OBK SCHOOLS

A Rich Legacy

About Us

About Us – Omer Bin Khattab Schools
Welcome to Omer Bin Khattab Schools
Dugsigan oo ku yaala Magaalada Borama ee gobolka Awdal waxaa la aasaasay sannadkii 1994-kii,
Kaas oo lagu bilaabay xiligaa hal fasal oo kiro ah iyo laba macallin tira ardayduna waxa ay ahayd  Shan macallin.
Ujeedooyinkii ugu waaweynaa ee loo aasaasay dugsiyadan  ayaa ahaa ka gaybgalka horumarka dalka ka socday qaybtii kaga aadanayd dhalinyarada xiligaas iyagu aasaasay oo ahayd waxbrista da’yarta  ku dacayna magaalada maadaama xiligaas laga soo baxay dagaaladii sokeeyee ee ka dhacay dalka.
Caqabadihii la soo darsaday dhalinyaradii xiligaas aasaasay dugsigan iyo dhibaatooyinkii waaweynaa ee ay la kulmeen waxaa ka mid ahaa in dugsiga bilowgiiba ay qabsatay fasalo yaraan oo ay ardayduna soo kordhaysay marba marka ka danbaysa.waxaa sidoo kale oo caqabadahaas ka mid ahaa  qalabka kaaba waxbrashada oo aad u yaraa sida kuraasta  iyo miisaska oo koobnaa  oo kabkab ahaa.
Maadaama ay fasalo yaraani haysatay dugsiga xiligaas ardaydu waxa ay u dhigan jireen fasalada heerarka kala duwan
Sannadkii 2003 ayaa waxa uu dugsigu yeeshay balcad isaga u gaar ah kaas oo la wadaagayay dugsiyada kale waxa uu sidoo kale sharciyad uga helay wasaarada waxbarashada Somaliland.
Sannadkii 2004 ayaa waxa u suuragashay inuu dugsigu helo dhismo shan fasal ah oo kiro ah iyo xafiis waxa una wax badan ka taray baahiyihii xaga fasalo yaraanta iyo cidhiidhigii badnaa ee ay waqtigaas ku jireen ardaydii dugsiga wax ka baranaysa.
Isla sannadkaa 2004  waxaa dugsiga ka baxay ardaydii ugu horeysay  fasalka 8aad kuwaas u fadhiistay imtxaanka shahaadiga Somaliland kuwaas oo ka koobnaa 8arday oo dhamaantood wiilal ahaa.
Location: Borama, Somaliland
Founded: 1994
Students: More than 1,550
Email: obkschool44@gmail.com
Phone: +252 63 7004433
Website: www.obkschools.com